U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto, inta uu socday shir-madaxeedka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) ee ka qabsoomay magaalada Beijing.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, isbedelka cimilada iyo arrimaha gobolka, ayaga oo si wadajir ah u adkeeyay in la ilaaliyo xasilloonida iyo horumarinta gobolka, taas oo ku xiran dhowrista madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka dariska ah iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanaya hoggaamiyaasha iyo wakiillada halkaas ku sugan ee ka qeyb-galaya Madasha Shiinaha iyo Afrika.

j