Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa kulankaas waxaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo la dagaallanka kooxda Alshabaab.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah u difaacdaan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah.




From the comments