U bood dhigaalka

Toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla gobolka Georgia ee dalka Mareykanka

Wararka ka imaanaya gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in wiil 14 sano jir ahi uu dilay labo arday oo ay isla dhiganayeen dugsiga halkaas ku yaalla iyo labo macalin, ayadoo sidoo kale rasaasta uu furay ay ku dhaawacmeen illaa sagaal qof oo goobtaasi ku sugnaa.

toogashadan oo ka dhacday dugsiga sare ee Apalachee ayaa ah dil wadareedkii ugu ballaarnaa muddooyinka ee soo maray iskuullada dalka mareykanka, laamaha nabad-gelyada ayaana xiray eedaysanaha falkan loo haysto wax yar ka dib markii ay toogashadu dhacday.

tii ugu horreysay tan iyo bilowgii sanad dugsiyeedka.
Eedaysanaha faldambiyeedkan loo haysto oo ah 14 lagu magacaabo Colt Gray, ayaa lagu oogi doonaa dacwad dil ah marka uu qaan-gaaro, maadaama ay hadda da’diisu yartahay, sida uu sheegay Agaasimaha Xafiiska Baarista ee gobolka Georgia.