U bood dhigaalka

Xiisad ka dhex taagan Mareykanka iyo Venezuela iyo askar madax furasho loo haysto

Masuuliyiinta dalka Venezuela ayaa xiray askari ka tirsan ciidamada badda Mareykanka oo ku socdaalayay dalalka Latin America, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha wasaaradda Gaashandhigga Mareykanka ee Pentagon-ku.

Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa xaqiijiyay in xubin ka tirsan ciidamada Mareykanka lagu xiray dalka Venezuela, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Washington ay isku dayeyso inay macluumaad dheeri ah oo ku saabsan arrintaas ay ka hesho mas’uuliyiinta Venezuela.

Xarigga askarigan ayaa jawaab u ah diyaarad uu leeyahay madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro oo mareykanku uu qabtay, ayagoo saraakiisha dalkaasi ku doodaya in diyaaraddaas markeedii hore Mareykanka si sharci darro ah looga dhoofiyay, islamarkaana qaab suuq madow ah lagu iibiyay.