U bood dhigaalka

Xiisaddii ka dhalatay hadalkii xildhibaanada koonfur galbeed oo la xalliyay

Sheeko:Baarlamaanka

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnayd Xiisad ka dhalatay hadal ay jeediyeen mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaanada koonfur galbeed, kuwaas oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay dalka, gaar ahaan gobollada ay matalaan abaal ku leeyihiin oo wax badan oo arrimaha nabad-gelyada la xariira ay u qabteen.

Hadalka xildhibaanadaas oo ku soo aaday xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay meel adag kala taaganyihiin, islamarkaana xukuumadda Addis Ababa ay isku diyaarinayso duullaan ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka ayaa si weyn looga falceliyay, dad caadifadaysan ayaana ku baaqay in mudaneyaashaas tillaabo adag laga qaado.

Intaa ka dib odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin u muuqda inay xildhibaanadaas difaacayaan ayaa arrinta xiisad qabiil oo dadka kala qeybisay u badalay, balse hadda arrintaas xal ayaa laga gaaray ka dib markii ay guddoomiyaha golaha shacabka iyo mudaneyaal baarlamaanka u istaageen.

Xildhibaanadii ay hadalkooda Xiisaddu ka billaabatay oo u muuqday in la raali-geliyay, ayaguna ay mowqifkoodii wax ka badeleen ayaa warbaahinta ka soo muuqday, waxayna sheegeen in khilaafkii la soo afjaray, ayagoo ku baaqay in difaaca dalka loo midoobo.

Goobjoog.com