Guddiga baarlamaanka Soomaaliya u aqaabilsan arrimaha diinta iyo awqaafta ayaa su’aalo adag weydiiyay madaxda wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta oo uu ugu horreeyay wasiirka Wasaaraddaaas Shiikh Mukhtaar Roobow Cali.
Wasiirka iyo ku xegeenkiisa iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa wax laga weydiiyay qaabka ay u maareeyaan arrimaha xajka, in ay dhexdhaxaad u yihiin dariiqooyinka dalka ka jira, sida ay ku qeybiyaan u adeegidda xujayda ama waxa loo yaqaanno xamlooyinka, iyo hab maamulka guud ee wasaaradda.
Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka warcelinayay qaar kamida weydiimaha xildhibaanada ayaa sheegay in xamlooyinka tartan furan loo galo, islamarkaana cid waliba ay ka qeyb-gali karto.




From the comments