U bood dhigaalka

Nin hubeysan oo toogasho ka geystay Mareykanka

Ciidanka Booliska gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in hubeysan oo wali baxsad ah uu Sabtidi shalay ilaa 7 qof ku dhaawacay meel u dhaw waddada 75-ka ee marta gobollo badan oo Mareykanka ah.

Talislka Boolisku waxay sheegeen in ninka looga shakisanyahay in uu ka danbeeyay toogashada uu ku dhuumaaleysanayo dhul qallalan oo u dhaw keymaha koofurbari ee baadiyaha gobolka Kentacky.

Qeybta taliska booliska ee degmada Laurel ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook ku sheegay, in dad badan lagu toogtay meel u dhaw waddada weyn ee gaadiidka gobollada aada maraan.

Waxay kaloo sheegeen in jidkaasi ilaa 9 mayl la xiray.

Duqa degmada yar ee London ee gobolka Kentucky Randall Weddle ayaa sheegay in loo xaqiijiyay dhaawacyada 7 qof.

Qaarkood ayuu sheegay in ay ku dhaawacmeen shilal jidka ka dhacay oo ayay sababtay toogashada.