U bood dhigaalka

Xuutiyiinta Yemen oo sheegtay inay soo rideen diyaarad Militari oo Mareykanku leeyahay

Kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen ayaa sheegtay in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo Maraykanku ku leeyahay, taas oo dul maraysay hawada dalkaas, sida uu sheegay yahya Saree oo ah Afhayeenka milatariga ee Xuutiyiintu.

Muuqaal la soo duulay oo warbaahintu heshay ayaa muujinaya diyaarad nooca MQ-9 Reaper oo ay soo rideen difaacyada cirka ee Marib oo kamida qalabka militariga ee kooxdu haystaan.

Diyaaradan ayaa ah tii 8-aad ee noocaan ah oo la soo rido tan iyo markii uu bilowday dagaalka, sida ay sheegeen kooxdu, waxayna sheegeen inay tillaabooyinkan oo ka dhashay maraakiibta ay badda-cas ku beegsanayaan ugu hiillinayaan dadka reer falastiin ee maamulka Israa’iil ku gumaadayo Qasa.