U bood dhigaalka

Ugu yaraan 16 oo ku dhintay weerar ay Israa’iil ka fulisay gudaha Suuriya

7gu yaraan 16 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerar gantaallo ah oo ay Israa’iil ka fulisay gudaha dalka Suuriya sida ay sheegtay warbaahinta ay maamusho dowladdu.

Weerarkan oo ka dhacay meel u dhow magaalada Masyaf ee gobolka Hama ayaa waxa uu dhaliyay dab xooggan,waxaana uu geystay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh sida ay baahisay wakaaladda wararka SANA ee dalka Suuriya.

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in 36 qof ay weerarka ku dhaawacmeen, kuwaas oo laba kamid ahi ay dib ka geeriyoodeen, taas oo tirada dhimashada oo 14 qof u ahayd ka dhigtay 16.