Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka. Isaga oo ugu baaqay dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda, in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran.
“Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan. Dib-u-dhiska xaruntaan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumahandowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”.




From the comments