U bood dhigaalka

Ciidamo isku heysta Garoonka Boosaaso

Sheeko:War

Taliska Ciidanka Puntland ee lagu magacaabo PSF ayaa sheegay in loo diiday in askar dhaawacyo ah oo ay wadeen in laga dhoofiyo garoonka magaalada Boosaaso.

Garoonka waxaa gacanta ku haya Ciidanka Badda Puntland ee dowladda Imaaraadka Carabta ay maalgaliso.

War Saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ay qaadi doonaan tilaabooyin haddii ay sii socdaan hakinta ka dhalatay in Garoonka ay isticmaalaan.

“Sida lawada og yahay Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso oo ah goob duulimaadka rayidka ah loogu tala galay waxaa laga dhigey xero ciidan, muddo saddex sanno ah waxaa la diidan yahay in PSF cid u socota ay ka soo degto ama saraakiisha PSF ay ka duuli karaan, sidoo kale waxaa laga hor istaagey in dhaawacyada ciidanka PSF ay isticmaali karaan Garoonka Boosaaso”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 11/09/2024 PSF waxay isku daydey in askar ka tirsan Ciidanka oo qaba dhaawacyo kala geddisan kuwaas oo u baahan caafimaad degdeg ah ay Garoonka Boosaaso ka dhoofaan, laakiin arrintaas waa laga hor istaagey iyada oo khatar la geliyey nafta askarta iyaga oo dalkooda u shaqeynaya dhibaato soo gaartey. Arrintan ugubka ah waxay dhabar-jab ku tahay dadaalada lagu difaacayo dalka loogana xoreynayo khawaarijta”.

Ugu dambeyntii Ciidanka PSF ayaa digniin u diray taliska Ciidanka ee Garoonka “Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah. Waxaana uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan, sidoo kale dhammaan duulimaadyada diyaaradaha waxaan uga digeynaa in ay isticmaalaan garoonka diyaaradaha ilaa lagu soo celinaayo gacantii hore uuna noqon doono meel loo siman yahay oo muwaadiniintu wada isticmaali karto”