11-ka bisha 9-aad ee September ayaa Mareykanka uga dhigan maalin madow oo ku suntan taariikh mugdi iyo murugo leh, taas oo lagu xasuusto dhacdooyin xanuun badan oo galaafta nolosha dad badan.
11-kii bishii September sanadkii 2001 waxaa Mareykanka gaar ahaan magaalada Newyork ka dhacay weerarro is xig xigay oo loo adeegsaday diyaarado la afduubtay ka dibna la qarxiyay, waxaana ku dhintay dad gaaraya illaa 3000 kun oo qof.
Rag la sheegay inay xariir la lahaayeen ururka al-qaaciddo ayaa afduubtay afar diyaaradood oo ganacsi, kuwaas oo ku sii jeeday gobolka California, waxayna laba kamid ah ku dhifteen daarihii mataanaha ahaa ee magaalada Newyork oo xilligaas lagu tirin jirey dhismahayaasha ganacsi ee dunida ugu dhaadheer.




From the comments