U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay Danjiraha dowladda talyaaniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacò Coppi, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan barnaamijka sanduuqa nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka taageera dowlad-dhiska iyo xasiloonida Soomaaliya, waxayna qeyb ka tahay Saaxibada ugu dhow Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya markii la eego dhinaca beesha caalamka.