U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ah dadaallada xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Iyada oo laga wada hadli doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta maamulka, si ay uga wada hadlaan xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta iyo nabadeynta deegaanka.