U bood dhigaalka

Galmudug: Dagaal beeleedyo ka socda dhowr goobood

Sheeko:War

Colaad beeleedyo ayaa si aan kala joogsi laheyn uga socda inta badan deegaanada maamulka Galmudug kuwaasoo saameyn ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Galgaduud waxaa dagaal beeleedyo xooggan ka socdaan Kaxandhaale, deegaano u dhow Dhabad iyo Godinle oo dilal ay ka dhaceen deegaano hoos yimaada.

Gobolka Mudug dagaal beeleed galay Maalintii labaad ayaa ka socda deegaano ku yaalla inta u dhaxeysa Afbarwaaqo iyo Towfiiq. Ku dhawaad 15 Ruux ayaa ku dhimatay.

Ma jirto dadaallo ay waddaan maamulka Galmudug si loo joojiyo dagaal beeleedyada.

Xaaladda Galmudug ayaa kasii dartay lixdii bilood ee lasoo dhaafay iyadoo dad badan ay joojiyeen isku socodkii magaalooyinka.