Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay Masar siin doonaan 1.3 bilyan oo doolar oo kaalmo militari ah, taas oo meesha ka saareysa walaaca laga qabo xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah xuquqda aadanaha ee lagu eedeeyo dowladda madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi.
qayb ka mid ah gargaarkaas ayaa ku xirnaan doonta shuruudo u baahan in ay fuliso Masar, kuwaas oo ku saabsan hagaajinta xuquuqul insaanka, Islamarkaana ay wax ka qabato xadgudubyada ka dhanka ah mucaaradka iyo shaqsiyaadka madaxweyne Siisi ka aragtida duwan, balse xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa u sheegay Congress-ka in kaalmada militari aysan wajihi doonin shuruudaha caadiga ah.
Intaas ka dib afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sharraxay in shuruudahaas lagu dhaafay magaca amniga qaranka, waxaana go’aankan lagu sheegay mid muhiim u ah horumarinta nabadda gobolka iyo kaalinta Masar ee xal u helidda xasraha Bariga dhexe sida dagaalka Qasa.




From the comments