U bood dhigaalka

Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xeerka Dhismaha Xafiiska Amniga Qaranka oo ay Wasaaradda Amniga Guduha soo gudbisay.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan amniga guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ciribtirka Khawaariijta.

Golaha ayaa warbixin muhiim ah oo la xiriirta waxbarashada aas aasiga ah iyo midda sare ee ardayda Soomaaliyeed, waxa uu ka dhagaystay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.