U bood dhigaalka

Xubno ka tirsan Baarlamaanka  Soomaaliya oo ka qeyb-galaya Shirka dhallinyarada baarlamaanada Adduunka

Sheeko:Baarlamaanka

Xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Somaalya, ayaa ka qeyb galaya meertada 10-aad  ee shirka dhallinyarada Baarlamaannadda Adduunka oo ka socda  Yerevan, Armenia.

Shirkaan oo sanadle ah islamarkaana ay ku kulmaan xubnaha dhallinyarada Baarlamaanada Adduunka, ayaa sanadkaan waxaa diiradda lagu saarayaa laguna lafa-gurayaa arrimo ay ka midka yihiin, ka hortagga marin habaabinta jiilasha dhallinyarada ah iyo ka warqabka iyo ilaalinta duruufaha waxbarasho iyo shaqo ee dhallinyarada.

Shirkan oo soconaya muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ku metalaya:

1. Sanatar ayaan Aadan Cabdullaahi
2. Sanatar Saciid Cabdi Xusee {Cawke}
3. Xildhibaan Cabdirisaaq Warsame Xusul.