Muqdisho, September 13, 2024 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya.
Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.




From the comments