U bood dhigaalka

Shilalka gaadiidka ee ka dhaca Puntland oo kordhay

Sheeko:War

Sida ay sheegeen Ciidanka ilaalada Wadooyinka Puntland waxaa sare u kacay tirada shilalka gaadiid ee dhacay Puntland bilihii lasoo dhaafay.

Taliska Waxaa uu sheegay in muddo lixdii bilood ee ugu dambeeyay Puntland ay dhaceen 801 shil, Intaas waxaa dheer, 65 qof ayaa ku dhintay shilalkaas, halka 109 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka Ilaalada Nabadgelyada Waddooyinka Puntland ayaa xogtaan soo bandhigay, si loo muujiyo heerka amni ee waddooyinka iyo in loo baahdo tallaabooyin dheeraad ah si loo yareeyo shilalka gaadiidka.

Taliska ayaa sheegay in waddo xumada ka jirta Puntland ay sabab u tahay dhibaatada hadda taagan, sidoo kalena dhalinyarada ay yihiin kuwo gawaarida ku wada si xowli ah.