U bood dhigaalka

Dowladda koonfurta Suudaan oo ku dhawaaqday in doorashadii dalkaas dib loo dhigay

Dowladda koonfurta Sudan ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay doorashadooyinkii qaran ee dalkaas ka dhici lahaa, ayadoo madaxtooyadu ay shaacisay in doorashadu ay qabsoomi doonto bisha December ee sanadka 2026.

Warka ay dowladda soo saartay ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalkaas Salva Kiir Mayardit muddo kordhin laba sano ah loo samaynayo, sidoo kalena dib loo dhigay doorashada, taasoo markii hore loo qorsheeyay inay dhacdo December 2024.

Koonfurta Suudaan ayaa nabad-gelyo iyo xasillooni ku jirtay tan iyo markii heshiis sanadkii 2018 la gaaray uu soo afjaray colaad socatay shan sano ah, taas oo sababtay dhimashada boqolaal kun oo qof, balse suurta-gelinta jawi doorasho ayaan weli ka muuqan dalkaas, ayadoo madaxweyne Salva Kiir uu xafiiska joogay in ka badan 12 sano.

Si kastaba ha ahaatee warka ka soo baxay madaxtooyada Jubba ayaa lagu sheegay in loo baahanyahay ammin/waqti dheeraad ah oo lagu dhammaystiri karo howlaha muhiimka ah ee doorashada la xariira.