Dowladda Iran ayaa hawada sare u dirtay dayax gacmeed cusub oo cilmi baaris ah, kaas oo ku duulaya wareeg jawiyeedka orbit-ka, warbaahinta dowladda ayaana sheegtay in tallaabadani ay tahay mid lagu hormarinayo barnaamijkeeda hawada, ayadoo aan dheg jalaq u siinayn dhaleeceynta iyo diidmada dalalka reer galbeedka.
Hadafka aasaasiga ah ee dayax-gacmeedka cilmi-baarista ee Chamran-1, oo culeyskiisu yahay 60kg ayaa ah in la tijaabiyo qalabka iyo nidaamyada software si loo muujiyo tikniyoolajiyadda dhaqdhaqaaqa wareegga orbit-ka.
Dirista dayax-gacmeedkan cusub ayaa si guul ah ku soo dhammaatay sida ay dowladdu sheegtay, dalalka reer galbeedka ayaana walaac ka qaba tillaabadan ay qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.




From the comments