U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo soo xiray nin ku eedeysan dilka Gabadh uu Haasaawe kala dhaxeeyay

Sheeko:War

Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Booliiska degmada Warta-Nabadda, ayaa gacanta ku soo dhigay Cabdi Casiis Cismaan Maxamed, oo loo yaqaan Sadaam.

Eedeysanaha ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Marxuumad Khadiijo Cabdi Maxamed, oo 20 jir ahayd.

Khadiijo ayaa aheyd haweeney uu xiriir hasaawi ah kala dhaxeeyay eedeysanaha.

Ciidanka Booliiska ayaa sheegay in ay heleen caddeymo muujinaya in Cabdi Casiis uu mas’uul ka yahay dilkaas, sidaas darteedna waxaa la soo qabtay si loo baaro arrinta iyo sababaha ka dambeeya dilkaas.

Eedeysanaha waxaa lagu soo oogay dambiyo culus, waxaana socda baaritaan dheeri ah oo lagu xaqiijinayo eedeynta iyo in la helo xaqiiqda dhabta ah.