U bood dhigaalka

Hey’adda WCPAD Oo Tababar Ku Saabsan Xuquuqul Insaanka Ka Fulisay Dhuusamareeb

Hey’adda Women Centre for Peace and Development (WCPAD) oo gacan ka helaysa hey’adaha UNICEF iyo UNSOM ayaa 12 September 2024 ku soo gabangabeysay Dhuusamareeb tababarka tababarayaasha oo sare loogu qaaday xirfadda hoggaamiyaasha Naadiyada Xuquuqul Insaanka ee ka dhisan Galmudug. 

Tababarka Tababarayaasha oo socday muddo saddex beri ah ayaa lagu soo gabangabeeyay caasimaadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay ka soo qeybgaleen 24 xubnood oo ka socday naadiyada xuquuqul inskaanka ee ka dhisan dhuusamareeb. 

Ujeedada tababarka ayaa aheyd sare u qaadidda xirfadda hoggaamiyeyaasha iyo xubnaha naadiyada xuquuqul insaanka ee ka dhisan Galmudug si ay u sameeyaan olole sare loogu qaadayo wacyiga bulshada ee ku aaddan xuquuqul insaanka iyo caddaaladda bulshada gaar ahaan ardayda iyo goobaha waxbarashada. 

Tababarka intii uu socday ayaa lagu faaqiday xirfadaha aasaasiga u ah tababarayaasha  sida  hoggaaminta, xiriirka iyo gudbinta farriimaha, sinnaanta iyo wadajirka bulshada. 

Ka qeybgalayaasha tababarka ayaa muujiyay dhiiranaan iyo ka qeybgal firfircoon iyada oo ay ka doodeen hababka ugu habboon ee sare loogu qaadi karo wacyiga dadweynaha, iyo qaababka ugu fudud ee farriimo la xariira difaacidda xuquuqul Insaanka lagu gaarsiin karo bulshada si loo helo bulsho caafimaad qabta oo ka caagan faquuq iyo takoor. 

“Waxaa mahadsan hey’adaha taageeray tababarka ee WCPAD, UNICEF iyo UNSOM, waxa ugu weyn ee aan baranay inta tababarka socday ayaa aheyd in aan soo saarno dad, oo aan gaarsiino farbriimaha iyo aqoonta aan halkaan ku baranay, innaga oo ku dabbaqeyna iskuulada iyo xarumaha bulsha, waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee aan baranay waxay ahaayeen xirfadda xiriirka, hoggaaminta, iyo  soo saarista fariimaha xuquul insaanka.” Ayay tiri Shukri Cabdulqadir oo ka mid ah dadkii ka qeybgalay tababarka. 

Cabdiraxmaan Faarax Maxamad, guddoomiyaha ururka Human Right Club oo ka mid ahaa ka qeybgalayasha tababarka tabarayaasha ayaa yiri “ tababarkaan oo noosocday saddex maalin waxa uu ahaa u jeedkiisa in naloo tababaro in aan sii tababarno ardayda iyo qeybaha kale ee bulshada, waxaana nala siiyay casharo la xariira xirfadaha aasaasiga ah ee uu u baahanyahay qofka tababaraha ah, sida xirfadda xiriirka, hoggaaminta, qorsheynta, diyaarinta casharada, waxaan rajeyneynaa in aan sameyno dhaqangelin oo aan tagno dugsiyada magaalada kuyaal illaa saddex dugsi, si aan u dabbaqno wixii nala baray.”

“Waxaan qaadanay tababar ku saabsan tababarka tababarayaasha oo muddo saddex maalin ah noo socday, waxaana baranay qaabka xiriir wanaagsan loo sameeyo, hannaanka diyaarinta tababarada, sida diyaarinta cashirada, jadwalaynta shaqada, iyo qorsheynta ka qeybgalayaasha, hagaajinta nidaamka goobta tababarka.” Ayay tiri  Naciimo Shariif oo ka mid aheyd ka qeybgalayaasha

Ka qeybgalayaasha tababarka oo u mahadceliyay hey’adaha gacanta ka geystay qorsheynta iyo fulinta tababarka, ayaa dhanka kale codsaday in la xoojiyo wacyiga bulshada ee fahamka xuquuqul Insaanka. 

Tababarayaasha ayaa la qorsheynayaa in ay dhaqangeliyaan cilmiga iyo aqoontii ay ku qaateen tababarka tabarayaasha ee la soo xiray iyaga oo olole wacyigelin ka sameyndoona saddex dugsi oo ka dhisan Dhuusamareeb. 

Hey’adda WCPAD oo soo qabanqaabisay tababarka ayaa ka qeybgalayaasha kula dardaarantay hirgelinta iyo dhaqangelinta aqoontii la gaarsiiyay iyaga oo ka faa’iideysanaya xirfadda lagu baray tababarka, waxayna kula dardaarantay in ay iskood isku abaabulaan si loo helo bulsho wadajirta, ka caagan faquuq, sinnaan iyo caddaalad bulsho.