U bood dhigaalka

Kooxda Xuutiyiinta oo weerar gantaallo ah ka geystay gudaha Israa’iil

Ciidanka Israa’iil ayaa xaqiijiyay in gantaal laga soo riday dalka Yaman uu ka dhacay gudaha ismaamulka Yuhuudda, ayagoo intaa ku daray in uu meel aan la deganayn, waxyeellona aanay ka dhalan.

seeriga duullaanka cirka ayaa laga maqlay Tel Aviv iyo guud ahaan bartamaha Israa’iil saacadihii hore Axadda maanta, taasoo dadka deegaanka u dirtay farriin ah inay u cararaan goobaha gabbaadka ah.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay ogaadeen in gantaalka loo waday bartilmaameedyo ku yaalla bartamaha maamulkaas, balse uu ku dhacay meel bannaan oo aan cidina deganayn.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa billaabay weerarro ka dhan ah maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil wixii ka dambeeyay bishii October, xilligaas oo Israa’iil ay duullaanka dhulka ku qaaday marinka Qasa ee dhulka reer falastiin.