Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday wareeg cusub oo cunaqabatayn ah, taas oo lagu beegsanayo shirkad Pakistani ah iyo dhowr hay’adood iyo hal qof oo Shiineys, kuwaas oo ku lug leh qalabka iyo teknoolajiyada loo adeegsado horumarinta gantaallada ballistic-ga ee Pakistan.
Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa wareeggii lixaad ee cunaqabataynno uu Maraykanku ku soo rogayo shirkadaha Shiinaha iyo Pakistan tan iyo bishii Noofambar ee sanadkii 2021.
Maraykanku waxa uu sheegay in uu cunaqabatayn u adeegsanayo si uu uga hortago faafidda hubka wax gumaada ee loo yaqaanno (WMD), gaar ahaan hubka riddada dheer.




From the comments