U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo saxiixay buugga tacsida ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi AUN

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-Cade), si uu ula qeybsado xanuunka geerida.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi uu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo kamid ahaa bahda dhaqanka Soomaaliyeed ayaa horraantii todobaadkan geeriyooday, waxaana socota tacsidiisa oo kulmisay qeybaha kala duwan ee bulshada.