U bood dhigaalka

Sidee u dhacay weerarka uu mar kale ka badbaaday Trump?

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka badbaaday iskuday dil xilli uu ku sugnaa goob lagu magacaabo Trump International Golf Club oo ku taal West Palm Beach, Florida.

Trump oo nabad qaba ayaana goobta laga waday, iyadoona FBI-da Mareykanka ay ku tilmaameen iskuday dil ay u muuqato dhacdadaan.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa laba bilood uun kadib markii uu ka badbaaday iskuday dil kaas oo ka dhacay magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania, xilligaas oo Trump dhagta laga dhaawacay waxa uuna ku sugnaa isusoobax ku saabsan ololihiisa doorashada.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday xarunta Golf ee Trump International Golf Club oo ku taal West Palm Beach, oo qiyaastii 15 daqiiqo u jirta guriga Trump ee Florida, Mar-a-Lago.

Ninka isku dayga dilka Trump fuliyay ayaa waxaa arkay ciidamo ka tirsan ilaalada qarsoon ama gaarka ah ee loo yaqaan ‘Secret Service agents’ kuwaas oo xaaqayay waddo aan sidaas uga fogeyn halka u uku sugnaa madaxweynihii hore ee Mareykanka kaas oo cayaarayay ciyaarta Golf-ka, wakiilada ammaanka ayaa ayaa ku gaafwareega goob aan sidaas uga fogeyn halka ay madaxda ku suganyihiin si ay ula socdaan ammaanka sida ay booliisku sheegeen.


Nooca qoriga uu ninkaan isticmaalay ayaa lagu sheegay in uu yahay AK-47 sida uu sheegay Sheriff County Ric Bradshaw, oo ka tirsan FBI-da, waxaana lagu arkay qoriga oo dhexyaala dhagax iyo geedo dhexdooda, goobta uu Trump ku suganyahay ayaa u jirtay 300-500 yards (272-557m) sida ay laamaha amaanka sheegeen.

Wakiillada amaanka ‘’isla markiiba’’ waxa ay ka howlgaleen halka u uku sugnaa qofka qoriga heystay oo baxsad ahaa’’ ayuu yiri sarkaalka FBI-da.

Waxa uu intaa ku daray in adeegga sirta ah uu sameeyay howlgal la mahdiyay.