U bood dhigaalka

Xubno ka tirsanaa kooxda Alshabaab oo ciidanka xoogga dalka isku soo dhiibay

Nin ka tirsanaa kooxda Alshabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo Kuwa deegaanka ee fadhigoodu yahay magaalada Xarardheere ee gobolka mudug.

Ninkan isisoo dhiibay ayaa magiciisa lagu sheegay Maslax Maxamed Aadan oo naynaastiisa afgarashadiisu tahay Yoonis , kaas oo 26 jir ah, kuna dhashay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Maslax oo kooxda Alshabaab uga biiray deegaanada Jubbaland ayaa la sheegay inuu muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa duleedka magaalada Xarardheere, ugu dambeyna uu ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka isku soo dhiibay.
Si kastaba ha ahaatee maslax ayaa la sheegay inuu Alshabaab iskiis uga soo baxay, balse lama faahfaahin howlaha uu kooxda u qaabilsanaa iyo mudada uu ka tirsanaa inta ay gaarayso.