Xogo iyo Faahfaahinno isi soo taraya ayaa ka soo baxaya qaabka uu u dhacay weerar dhinaca isgaarsiinta ah oo maamulka Israa’iil uu la beegsaday xubno ka tirsan ururka Xisbullaahi ee dalka Lubnaan.
Wararka ayaa sheegaya in boqolaal qof oo saraakiil sar sare iyo dad rayid ahi ku jiraan ay weerarka waxyeello ka soo gaartay, islamarkaana Danjiraha dowladda Iran ee dalkaasi uu kamid yahay dadka dhaawacmay.
Ururka Xisbullah ayaa dhinacooda xaqiijiyay in saddex qof oo uu ku jiro ilmo yari ay ku dhinteen qaraxyadii ka dhacay dalka Lubnaan oo ahaa kuwo noocoodu uu dunida naadir ku yahay.




From the comments