U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleen Taliyaha Ciidanka XDS iyo madaxweynaha Hirshabeelle ?

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) waxayna labaada masuul ka wada-hadleen ka wada-hadleen sidii kooxda Alshabaab looga saari lahaa meelaha ay weli uga suganyihiin deegaanada Hirshabeelle dowlad goboleedkaas.

Kulanka Taliyaha iyo Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada lugta xoogga dalka Sarreeye Guuto Dayax Cabdi Cabdulle, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Gudoomiyaha Degmada Balcad iyo saraakiil ka tirsan CXD.

Shirka waxaa lagu go’aamiyay in la isku furo wadada muhiimka ah ee Balcad iyo Jowhar, waxaana taliyaha Ciidanka XDS uu sheegay in xoogga la saari doono deegaanada ay ku suganyihiin ee dhaca aaggaas.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa kamid ah meelaha uu ka socdo dagaalka  ka dhanka ah kooxda Alshabaab, islamarkaana guulaha la taaban karo laga gaaray.