U bood dhigaalka

Maxay salka ku haysaa xiisadda ka dhex qaraxday Hindiya iyo Iiraan ?

Dowladaha Hindiya iyo Iiraan ayaa is dhaafsaday dhaleecaynno iyo dhaliilo diblumaasiyadeed oo ku saabsan xaaladda dadka muslimiinta ee ku nool Qasa, Myanmar, iyo Hindiya, kuwaas oo la kulma xadgudubyo iyo cadaadis takoor diimeed la xariira.

Xiisadda ayaa ka billaabatay hadal ka soo yeeray hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran Aayatullaahi Cali Khumayni oo ku saabsanaa dhibaatooyinka lagu hayo Muslimiinta qaaradda Aasiya, gaar ahaan Qasa, Myanmar, iyo gudaha Hindiya, asagoo tilmaamay in aan la aqbali karin xaaladaha adag oo ay dadkaasi wajahayaan.

“Ma isku tixgalin karno inaan nahay Muslimiin haddii aan ka warqabno dhibaatada qofka Muslimka ah ku haysata Myanmar, Qasa, Hindiya, ama meel kale,” ayuu Cali Khamayni ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada

Hindiya ayaa cambaareysay hadalkaas , ayadoo tilmaamtay mid gef ah oo aan la aqbali karin, waxayna wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda new Delhi
Sheegtay inay aad uga xuntahay arrintaas.

“Dalalka ka faallooda dadka laga tirada badan yahay waxaa lagula talinayaa inay eegaan taariikhdooda ka hor inta aysan wax indha-indhayn ah oo ku saabsan kuwa kale samayn,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya.

Labadan dal ayaa leh xiriir iskaashi oo adag, waxayna kala saxiixdeen heshiis 10 sano ah bishii May si ay u horumariyaan ugana shaqeeyaan dekedda Chabahar ee Iran, ayadoo Hindiya ay horumarinaysa dekeddan oo ku taalla xeebta koonfur-bari ee Iran ee gacanka Cumaan si ay badeecadaha ugu daabusho Iran, Afgaanistaan ​​iyo bartamaha Aasiya,
iyada oo dhaaftay dekedaha Karachi iyo Gwadar ee Pakistan oo ay xafiiltamaan.