U bood dhigaalka

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka

Sheeko:War

Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), sida lagu go’aamiyay shirkii guud ee 68aad ee Hey’adda oo todobaadkan ka dhacay magaalada Vienna ee dalka Austria.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in tani ay tahay tilaabo horay loo qaaday.

Waxaa uu sheegay in ay waqti badan ku bixiyeen sidii ay uga mid noqon lahaayeen hay’adda si loo helo adeegyada tamarta ee dalkaan u baahan yahay.

“In aan ka mid noqono IAEA waa tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa sida ay Dowladda Federaalku uga go’an tahay qaadashada kaalin firfircoon oo dhanka iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada nabadda, horumarinta iyo sayniska”ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Tallaabadan cusub ayaa waxa ay suurta-gelinaysaa inaan ka faa’iideysano khibradaha iyo aqoonta ay leedahay hay’adda IAEA, si aan uga kaashanno hormarinta adeegyada tamarta iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka.