Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika iyo Badda Cas ee Boqortooyada Britain, Alison Blackburne, oo ay weheliyeen Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha amniga gobolka, intii uu socdayna kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo amniga, gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee halista ku haya gobolka.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagu xasilinayo gobolka, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay qaababka cusub ee lagu xoojin karo xiriirka Soomaaliya iyo Britain.




From the comments