Boqortooyada Sucuudiga oo sheegtay inaysan Israa’iil xariir la yeelan doonin ilaa helo qaran ay Falastiiniyiintu leeyihiin
Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in dalkiisu uusan xiriir la sameyn doonin Israa’iil ilaa la dhisayo dowlad Falastiiniyiintu ay leeyihiin, taasoo dhabarjab ku ah dadaalka Mareykanka uu ku doonayo inuu labada dhinac heshiis caadi ah ugu sameeyo.
“Waxaan dib u cusbooneysiineynaa diidmada Boqortooyada iyo cambaareynta xooggan ee dembiyada maamulka Israa’iil ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta,”
ayuu yiri Maxamed bin Salmaan oo la hadlayay golaha shuurada ee dalkaas.
Wuxuu intaa ku daray in Sucuudigu uusan joojin doonin dadaalkiisa hagar la’aanta ku aaddan dhismaha dowlad madax-banaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin, taas oo caasimaddeedu tahay magaalada Quddus.
Heshiisyadii Israa’iil iyo dalalka Carabta ee uu dhexdhexaadinayey madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump
sannadkii 2020-kii ayaa sababay in ay xariir diblomaasiyadeed maamulka Yuhuudda la yeeshan Imaaraadka, Baxrayn, iyo Suudaan, balse Boqortooyada Sucuudiga arrintaas way diiday.
Goobjoog.com