Ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF-ta ayaa sheegay inay diyaar xal nabadeed oo laga gaaro dagaalka dalkaas socday in ka badan 17 bilood, iyaga oo ka jawaabaya baaqii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay wada-hadallo nabadeed oggolaadaan.
Madaxa ciidamada Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay Arbacadii in dowladda Sudan ay diyaar u tahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee looga golleeyahay in lagu soo afjaro dagaalka ka holcaya dalkaas.
Dhankiisa hoggaamiyaha fallaagada RSF Mohamed Hamdan Dagalo ayaa asna Khamiista maanta ah sheegay inay oggolyihiin wada-hadallo nabadeed oo xal loogu helayo dagaalka ku dhowaad labada sano ka socda dalka ku yaalla bariga Afrika.




From the comments