U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan la yeeshay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell, waxaana kulanka diirada lagu saaray Qorshaha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo sidii kooxdaas laga saari lahaa goobaha ay weli ku suganyihiin.

Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in biya kama-dhibcaan ay tahay in la qaado Howlgal ka dhan ah Alshabaab, iyo sidii loo dardargalin lahaa.

Taliyaha ciidanka XDS ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dowladda Mareykanka u sheegay inay muhiim uyihiin qorshaha dagaalka ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab, waxayna balan qaadeen inay diyaar u yihiin sidii Soomaaliya looga saari lahaa kooxaha Alshabaab iyo Daacish.