Sida ay sheegtay Warbaahinta Daanta Galbeed ee la heysto Ciidamada Israa’iil ayaa maanta ku galay xafiiska telefishanka Al-Jazeera ee Ramallah, iyagoo dalbaday in xafiiska si buuxda loo xiro muddo 45 maalmood ah.
Askar hubeysan ayaa aroornimadii hore gashay dhismaha, waqtigaas oo telefishanka uu toos hawada ugu jiray.
Dadka daawanayay ayaa arkayay ciidamada oo warqada amarka xiritaanka siiyey madaxa Al-Jazeera ee Daanta Galbeed, Waliid Al-Cumari, kaas oo si toos ah uga akhriyay telefishanka.




From the comments