U bood dhigaalka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo daahfurtay kulan heer sare ah si loo hirgeliyo qorshaha isgaarsiinta degdegga ah ee Soomaaliya

Sheeko:War

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo GSMA, ayaa si rasmi ah u daahfurtay kulan heer sare ah oo ku saabsan Fulinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah (NETP).

Kulanka, oo uu furay Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Maxamed Adam, ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, wakiilo ka socda shirkadaha Isgaarsiinta, iyo sidoo kale wufuud ka socota ururro caalami ah oo ay ka mid yihiin Ururka Isgaarsiinta Caalamiga, ITU, Ururka Nidaamka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Mobilka (GSMA), UNICEF, IFRC, UNDP, iyo Bangiga Adduunka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Mudane Mustafa Yasin Sheekh, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee ay leeyihiin shirkadaha isgaarsiinta ee ku aaddan ilaalinta isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah, isagoo yiri: “Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah waxay si weyn ugu tiirsan tahay ka-qaybgalka firfircoon ee shirkadaha isgaarsiinteenna. Kaabayaashooda, adeegyadooda, iyo aqoontooda farsamo ayaa udub dhexaad u ah qaab-dhismeedka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah ee Soomaaliya. Qorshahan waa muhiim si loo hubiyo in kaabayaasha isgaarsiinteenna ay sii ahaadaan kuwo shaqeynaya oo lagu kalsoonaan karo xilliyada musiibooyinka.”

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Macallin Aadam, ayaa intii lagu guda jiray xafladda furitaanka yiri, “Isgaarsiintu waxay muhiim u tahay gurmadka iyo maareynta musiibooyinka, kulankan maanta wuxuu muujinayaa sida ay nooga go’an nahay ilaalinta nolosha shacabka Soomaaliyeed. Waxaan hiigsaneynaa inaan dhisno kaabayaal isgaarsiineed oo adag oo adkeysi leh, kuwaas oo si wax ku ool ah uga jawaabi kara xaaladaha degdega ah islamarkaana kor u qaadi kara awooddeena qaran ee maaraynta musiibada, hababka digniinaha iyadoo la isticmaalayo shabakadaha isgaarsiinta .”

Mas’uuliyiin ka socda Ururka Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) iyo GSMA ayaa sidoo kale ka hadlay kulanka, iyagoo bixiyay aragtiyo ku saabsan Fulinta NETP, Habka Digniinta Guud (CAP), iyo Nidaamyada Digniinta Hore ee ku Shaqeeya Farriimaha Mobilka (CB EWS), kuwaas oo muhiim u ah faafinta digniino degdeg ah inta lagu jiro xaaladaha degdegga ah.

Kulan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa ujeedadiisu tahay in lagu qeexo doorarka iyo mas’uuliyadda ku aaddan hirgelinta qorshaha NETP, si loo hubiyo in dhammaan daneeyayaasha ay gacan ka geystaan nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah.

Natiijooyinka kulankan ayaa la filayaa inay si weyn u xoojiyaan qaab-dhismeedka Qorshaha Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah ee Qaranka, taasoo ugu dambeyn horseed u ah isku-duwidda dhinacyada ay khusayso iyo ka-hortagga xaaladaha degdegga ah ee mustaqbalka.