U bood dhigaalka

Puntland oo sheegtay inay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho DFS

Sheeko:War

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan Casho ah la yeeshay qaar kamida dadkii ka qeyb-galay shir ku saabsan nabadda oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya Dowladda Federaalka ah.

Siciid Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho Dowladda dhexe, islamarkaana ay tabashadeeda ku soo bandhigato madal daahfuran oo bulshada Soomaaliyeed ay wada arkayso.

Wuxuu intaa ku daray inay oggolyihiin in qaladkooda la saaro, wixii ka maqanna looga garaabo oo waxa ay tirsanayaan ay dowladda federaalka Soomaaliya xalliso, horumarka dalkana laga wada-shaqeeyo.

Hadalkan ayaa ah mid dadweynaha Soomaaliya iyo dowladnimadaba yididiilo feecan u ah markii la eego xilliga adag ee lagu jiro iyo sida ay isku duubnida Soomaalidu muhiimka u tahay.