Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda sanad guurada 75-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha.
Intii uu ku guda jiray munaasabadda, Mudane Saalax ayaa hambalyo diirran u diray dowladda Shiinaha oo Soomaaliya saaxiibtinimo soo jireen ah la leedahay.
Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka ayaa si gaar ah u xusay horumarka iyo isku duubnida dowladda Shiinaha, isagoo carrabka ku adkeeyay taariikhda dheer ee xiriirka saaxiibtinimo ee labada dowladood. Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid taabbo-gal ah, laguna dhisay is-ixtiraam iyo iskaashi dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin ganacsiga, dhaqaalaha, iyo dhaqanka. Wuxuu hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee Shiinaha ku leeyahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tamarta, caafimaadka, iyo waxbarashada.




From the comments