U bood dhigaalka

SSC khaatumo oo digniin u dirtay maamulka Puntland

Sheeko:War

Maamulka SSC Khaatumo ayaa digniin culus u diray Puntland, isagoo ka biyo diiday in Puntland ay sheegato dhul ka tirsan SSC-Khaatumo.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta SSC ayaa lagu shegay in tallaabadaas ay tahay xad-gudub iyo meel-kadhac, taasoo ay SSC u aragto inay khatar ku tahay amniga iyo madax-bannaanida maamulka.

Digniinta waxaa sidoo kale lagu xusay in hay’adaha ka qayb qaadanaya arrintan ay iska ilaaliyaan, iyadoo SSC ay diyaar u tahay inay difaacdo dhulkooda iyo dadka deggan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta SSC.

Maamulka SSC ayaa ka digay in arrintan ay keeni karto khilaaf dheeri ah oo ka dhasha muran dhuleed

“Waa wax aan sinaba loo aq bali karin, in maamulka aanu deriska nahay ee Puntland, uu sheegto dhulka maamulka SSC-Khaatumo qaar ka mid ah, waa xad-gudub iyo meel kadhac dawladda SSC-Khatumo ay uga digayso maamulka Puntland”ayuu yiri Wasiidka.

Khilaafka ayaa ka dhashay markii Puntland ay soo saartay saadasha roobabka oo deegaanadeeda ay kusoo darsatay degaano ku yaalla Sool iyo Sanaag.