U bood dhigaalka

Xogta Hoggaaminayaashii ururka Xisbullaahi ee ay Israa’iil dishay sanadkan 2024

Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa saacado ka hor sheegay inay duqeyn ku dileen hoggaamiye sare oo ka tirsan qeybta gantaallada ee ururka Xisbullaahi, kaas oo lagu magacaabo Ibraahim Qubaisi, balse ma jiraan ilo madax-bannaan oo xogtaas xaqiijiyay.

Ciidamada Israa’iil waxay sidoo 20-bishan duqayn ka dhacday koonfurta caasimadda Beyruut ku dileen taliyihii howlgallada ee Xisbullaahi Ibraahim Caaqil, kaas oo kamid ahaa madaxda ugu sarraysa ururka, gaar ahaan golaha Jihaadka

Hoggaamiyahan oo sidoo kale adeegsan jiray magacyada Tahsin iyo Abdelqader ayuu Mareykanku ku eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beyruut ee lagu weeraray safaaradda Maraykanka sanadkii 1983-dii, ayna ku dhinteen ugu yaraan 63, iyo weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanku leeyihiin oo lagu diley 241 qof oo isugu jira askar iyo saraakiil.

30-kii bishii July ee sanadkan duqayn ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen gudaha Lubnaan, gaar ahaan caasimadda Beyruut ayaa lagu dilay Fu’aad Shukri oo ahaa Taliyihii ugu sarreeyay dagaalamayaasha Xisbullaahi, wuxuu sidoo kale ahaa gacanta midig ee hoggaamiyaha ururka Sheekh Xasan Nasrallah.

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Shukr sanadkii 2015-kii, waxaana lagu eedeeyay in uu qeyb weyn ka qaatay duqeyntii 1983-kii lagu qaaday xerada ciidamada Marines-ka Mareykanka ee magaalada Beyruut, kaas oo lagu dilay 241 askari oo Mareykan ah.

3-dii bishii July ee sanadkan duqeyn ka dhacday koonfur galbeed ee dalka Lubnaan ayaa lagu dilay
MOHAMMED NASSER oo ahaa madaxa howlgallada ururka Xisbullaahi ee dhanka xudduudaha, ayadoo Israa’iil ay ku eedeysay inuu mas’uul ka ahaa gantaallada lagu soo rido gudaha dhulka ay ka taliso.

Sidoo kale waxay samaysay boqolaal shirqool oo ay ku doonaysay inay ku khaarijiso hoggaamiyaha guud ee Ururka Xisbullaahi Sheekh Xasan Nasrallah, balse kuma aanay guuleystay isku daygaas oo ay wadeen in ka badan 40 sano.