U bood dhigaalka

Israa’iil ma waxay Lubnaan la damacsantahay wixii ka dhacay Qasa ?

Maamulka Israa’iil ayaa duqeymo joogto  ah ka wada koonfurta dalka Lubnaan, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 600 boqol oo qof, halka dhaawacyaduna ay haatan 1500 oo ruux ku dhowyihiin.

Dadka ka qaxaya duqeymahan ayaa tuban jidadka ka baxa magaalada caasimadda ah ee Beyruut, ayadoo raadinaya goobo gabaad leh oo ay uga nabad-galaan duullaanka gardarrada ah ee Ciidanka Yuhuudda.

Militariga Israa’iil ayaa dhinacooda sheegay inay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah ururka Xisbullaahi, ayadoo tilmaamay inay tiigsanayaan yoolka ah inay wiiqaan awoodda Ururkan aadka u hubaysan ee reer Lubnaan.

Dhanka kale Xisbullaahi ayaa wadda duqeymo xooggan leh oo ka dhan ah Israa’iil, ayadoo ay gantaalladu sida roobka ugu hoobanayaan gudaha dhulka uu ka taliyo maamulka Netanyahu, taas oo kumanaan Israa’iil ah ku qasabtay inay galaan godad dhulka hoostiisa ah.

Sidoo kale duqeymaha Xisbullaahi waxay gaareen gudaha magaalada Tel Aviv, ayadoo la beegsaday xarunta sirdoonka muusaad iyo talisyo kaloo ciidan, waxaana wararku ay sheegayaan in deegaanada waqooyiga iyo bartamaha Israa’iil ay cabsidii abid ugu xumayd ka jirto.

Dekedda magaalada Eita ayaa sidoo kale waxaa qarxiyay koox ay Iran taageerto oo ku sugan gudaha dalka Ciraaq, kuwaas oo garab u ah ururka Xisbullaahi ee Lubnaan.

Weerarada Israa’iil ee dalka Lubnaan ayaa imaanaya xilli ay ku guuldaraysatay dagaalka marinka Qasa oo socday muddo ka 10 bilood, islamarkaana illaa hadda aan wax natiijo ah laga gaarin.

Xeeldheereyaasha ayaa qaba in Israa’iil ay Lubnaan la maagantahay dhibaatadii ay ka geysatay marinka Qasa, balse taasi ma fududa maadaama ururka Xisbullaahi oo 40 sano ka badan jiray uu aad uga awood badanyahay Xamaas, sidoo kalena dalalka maamulka Tel Aviv taageeraahi aysan ku qanacsanayn sida ay wax u socdaan.