U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay geerida Shiikh Cabdullaahi Shiikh Ibraahim Baardheere

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, culimaa’udiinka, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Alle ha u naxariisto Marxuum Sheekh Maxamed. Wuxuu ahaa caalim qiimo badan oo door weyn ka soo qaatay fidinta diinta Islaamka iyo kor u qaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa Alle SWT uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ehelka marxuumka, culimaa’udiinka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.