madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed u magacaabay Janaraal Asad Cusmaan Cabdulaahi (Diyaano), oo badelaya Sarreeye Gaas SulubAxmed Firin oo kamid noqday Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Janaraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa horay u ahaan Taliyaha Ciidanka PSF ee dowlad gobololeedka Puntland, sidoo wuxuu dhowr jeer u tartamay xilka madaxtinimada ee maamulkaas, waxaana Sargaal saameyn badan ku leh Ciidamada qalabka sida.
Sargaalkan oo kamida dadka sida weyn uga aragti duwan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo arkaa nin galaangal badan siyaasadda deegaanada maamulkaas, gaar ahaan ciidamada ugu awoodda badan laamaha nabad-gelyada Puntland ee PSF.




From the comments