U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Wali kulamo ka wadda Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa uu magaalada New York kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika.

Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Kaaliyaha ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika iyo qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sanadka cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu mahadceliyay taageerada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya.