U bood dhigaalka

Taliyihii hore ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo loo magacaabay wasiir ku xegeenk

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Taliyihii hore ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye gaas Sulub Axmed Firin u magacaabay wasiir ku xegeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

S/G Sulub ayaa saacado ka hor laga qaaday xilkii Taliyaha  ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayadoo lagu badelay janaraal Asad Cusmaan Diyaano oo horay u ahaan jiray hoggaanka ciidanka PSF ee dowlad gobololeedka Puntland.

Tillaabadan ayaa qeyb ka ah isbadello waaweyn oo uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, asagoo magacaabay ma’suuliyiin kala duwan oo isugu jira la Taliyaal iyo saraakiil Ciidan.