U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hortagay weerar ay Alshabaab ku soo qaadeen deegaanka lamber Konton

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 146-aad ee guutada 14-ka October iyo Ciidanka NISA ee deegaanka Lambar-konton ayaa si wadajir ah uga hortagey weerar ay Kooxda Alshabaab qorsheynayeen inay ku soo qaadaan deegaankaas.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare Nuur Maxamed Gaabow “Nur Farey” oo la hadlay Warbaanhinta codka ciidamada qalabka sida ku hadasha ayaa Xaqiijiyay in dagaalamayaasha Alshabaab iyagoo is Aruursi ka wadey Tuulada Buur-fuule oo Lambar-konton ka tirsan ay ku bexeen ciidanka xoogga dalku, halkaasna uu dagaal xooggani labada dhinac ku dhex maray.

si kastaba ha ahaatee xog rasmi ah laga hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidanka xoogga iyo kooxda Alshabaab ee ka dhacay aagga deegaanka lambar konton ee gobolka Shabeellada Hoose, balse saraakiishu waxay sheegeen inay xubnaha Alshabaab waxyeelo weyn gaarsiiyeen.