U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare xamse oo la filayo inuu khodbad ka jeedin doono kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo saacado ka dib khodbad ka jeedin doono kulanka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, maxaa kamida waxyaabaha la filayo inuu ka hadli doono ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, oo haatan ku sugan magaalada New York ayaa la filayaa inuu khudbad muhiim ah ka jeedin doono kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu diiradda ku saari doono arrimo dhowr ah oo muhiim u ah Soomaaliya iyo caalamka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu wadaa inuu dalalka caalamka la wadaagi doono guulaha iyo fursadaha Soomaaliya ka jira, isagoo ku boorinaya maalgashadayaasha caalamka inay indhahooda u jeediyaan Soomaaliya oo leh fursado ballaaran oo dhinaca dhaqaalaha, gaar ahaan macdanta, kheyraadka dabiiciga ah, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse  ayaa la filayaa inuu faahfaahin ka bixin  doono dagaalka Al-Shabaab iyo Amniga oo dowladdu ay guulo waaweyn ka gaartay, asagoo sidoo kale is dul taagi doona xadgudubka Itoobiya.

Sidoo kale bixitaanka ciidamada ATMIS ayaa kamida arrimaha uu diiradda saari doono inta uu ku jiro hadal jeedintiisa iyo waliba qorsheyaasha Soomaaliya ee kursiga golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Xiisadda gobolka bariga dhexe iyo isbedelka cimilada ayaa sidoo kale qeyb ka ah qodobada la filayo inuu Ra’iisul Wasaare Xamse diiradda ku saari doono khodbaddiisa.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha oo ku sugan magaalada Newyork ayaa halkaas ka wada kulamo uu la yeelanayo wufuudda ka qeyb-galaysa kulanka Qaramada Midoobay iyo masuuliyiinta dalka mareykanka.